Toronto | 09 July 2020 | Oday aan Wasaaraddii Boostada & Isgaarsiinta ka wada shaqayn jirnay berisamaadkii ayaa maalin 30 june 1990 oo habeennimadaas ay ku beegnayd habeenkii xoriyadda nooga sheekeeyay daqiiqadihii ka horeeyay 6-dii saac habeennimo iyo daqiiqadihii ka dabeeyay sida xaalka siyaasiyiinta Soomaalidu ahaa iyo in qabiilku mar walba uga horeeyay waddaniyad sheegashada.
Odayga oo markaa qaybta Maamulka Lacagta aan wada wada joognay, wuxuu yiri waxaan xilligaa ka shaqayn jiray qolka laga maamulo taleefonnada oo waqtigaa ku shaqaynayay qaab aad uga dambeeya qaabka ay isgaarsiintu maanta ku shaqeeyso oo ahaa in dadkii fara ku tiriska ahaa ee taleefoonnada lahaa marka ay is wacayaan ay soo maraan xaruunta taleefoonnada(Switchboard Operators) kedibna uu ku xiro Number-ka uu wacayo isagoo la soconaya inta ay wada hadlayaan kedibna kala jaro khadkooda.
Wuxuu yiri daqiiqadihii ka horeeyay intaan la gaarin 6-dii Saac habeennimo dadka is wacayay oo dhamaantood ahaa siyaasiyiintii hadallada ay is waydaarsanayeen waxay ka sinaayeen waddaninimo, isu hambalyeeyn, Soomaalinnimo iyo farxad ka muuqatay hadalladooda .
Wuxuu noo sheegay markii ay soo dhowaatay saqdii dhexe waxaan tagnay xaruuntii calansaarka xafladdii kedibna waxaan ku soo laabtay shaqadii.
Taleefoonkii ugu horeeyay ee aan qabtay waxaan isku xiray laba siyaasi oo markaa ka mid ahaa raggii caanka ahaa iyagoo kuwada sheekaysanayay qabyaalad midba mid kale uga xamanayay mid qiyaamo uu la damacsan yahay mid kale, wuxuu yiri waxaan ogaaday waqtigaas in Soomaaliya xilkeedu ku bilaawday qabyaalad kuna burburi doono, wuxuu kaloo nooga sheekeeyay inuu goobjoog u ahaa hadalladii ay is dhaafsanayeen Xildhibaannadii xilligaas xaaladdii uu ku sugnaa dalku, dadka & siyaasiyiintii Soomaalida oo aqoontoodu aad u gaabnayd, warbaahinta oo aad u liidadatay, dadka Soomaalida oo qaybo iyo qabaa’il u kala qoqobnaa, ka falcelintii siyaasiyiinta madaxwaynihii dalka oo la dilay iyo is qabqabsi iyaga dhexdooda ah taasoo keentay in ficiltankaas jiray ay ka faa’iidaysteen Ciidammadii xukunkiina ka xoogeen dowladihii rayidka ahaa ee xukunka qabtay xoriyaddii kedib.
Xilligaas oo ahaa bartimihii 1990 wuxuu yiri isla dhaqankii aan u soo joogay ayaa ii muuqda, waxqabad kasta oo ay mar samaysay xukuumaddan kacaankuna ku burburi doonto ficiltan qabyaalad iyo Caro caadifad xambaarsan markii xukunka la is lahaysiiyo ama hogaamiyuhu is tuso inuu dadka ka xoog badan yahay, ka caqli badan yahay ama buunbuunin xad dhaaf ah xaqiiqda jirta looga qariyo.
Muddo yar kedib sheekadii uu inooga sheekeeynayay sidii uu sheegayay ayay Soomaaliya ku dambaysay wadankiina ku dumay.
60 Sanno xornimmada kedib 39 Sanno oo ka mid ah oo qayb dagaal sokeeye ah ay ku jirtay ee maamulladii rayidka ahaa dalka ka jireen waxaa wadanka lagu soo waday qoray isu dhiib maadaama isu xoog sheegasho la dhadhamiyay waxa laga faa’iidi karo Madaxwayne walbana isku dayay ka soo biloow Adan Cadde(AUN) inuu tartamo haduu damac ku jiro xukunkana wareejiyo doorasho waqtigeeda ku dhacdana qabto.
1) Allaahu Naxariistee Madaxwayne Aadan Cadde ayaa tarmay 1967 waxaana ka guulaystay Cabdirashiid Cali Sharma’arke(AUN).
2) Cabdirashiid Cali Sharma’arke(AUN) ma dhamaysan xilka isagoo xilka haya 2 Sanno ayaa 15 Oktoobar 1969 lagu dilay degmada Laascaanood uu safar ku tegay.
3) Maxamed Siyaad Barre(AUN) oo xoog military ku qabsaday wadanka kedib markii uu banaanaaday xilkii sare ee dalka 6 cisho kedib 21 Oktoobar 1969 ayaa 10 Sanno kedib dhigtay doorasho hal xisbi(XHKS) 1979 iyo hal musharax oo isaga ah lalama tartamin isagaana ku guulaystay maadaama uu xilka xoog ku qabsadayna uma ogolaan in lagula tartamo xilkana ma wareejin xoog wadankii ku burburay ayaa loo isticaamalay loogana tuuray.
4) Cali Mahdi Maxamed ayaa ku tartamay Carta(Djibouti) 2000 waxaana ka guulaystay Madaxwayne Cabdiqaasin Salaad Xasan.
5) Madaxwayne Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa tartamay Empaghati(Kenya) 2004 waxaana xilka madaxtinnimada uga guulaystay Allaah u naxariistee Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf.
6) Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf ma tartamin xilkana waa isaga tegay isagoon dhamaysan.
7) Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa tartamay 2012(Muqdisho) waxaana ka guulaystay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
8) Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa tartamay 2017(Muqdisho) waxaana xilka madaxtinnimada uga guulaystay Madaxwaynaha xilligan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shaxdaan waxaan ka muuqda inaysan dhaqan u lahayn Soomaalidu Madaxwayne xil qabta inuu ku soo laabto xilka, waxaa kaloo ka cad in dhaqanka Soomaalidu ku adkayn in xoog la isaga saari karo xukun waxna la burburin karo ama doorasho la wada arkayo xilka lagula kala wareegi karo.
Maamulkan uu Madaxwayne Farmaajo hogaamiyo iyo kuwii ka horeeyayba waxaa jiray cillado dhaqan u noqday siyaasiyiinta Soomaalida oo ragaadiyay in madaxda sare ay hore u socdaan, dhaqankaas caadada u noqday Siyaasadda Soomaaliya ee ah Kursi la iska rito wuxuu sababay inuu waqtiga ugu badan ka qaatay madaxwaynayaasha dalka soo maray, sanadaha ugu horeeyana ay la tacaalaan inay xukuummad bedelaan ama iyagu is difaacaan waana waqtiga ay ahayd in la bilaabo ama la jeexo isbedel aan buuq ka dhalan oo la isla ogol yahay xukunkana ku wareejin doonaan.
MAXAA LA GUDBOON MADAXWAYNE FARMAAJO ?
Aad ayay u fiican tahay in shacabka Soomaaliyeed iyagu si xor ah u soo doortaan cidda hogaanka u qabanaysa, laakiin markaan ka tagno hebel oo madaxwayne hore ahaa meel uusan gaarin ayaan rabaa inaan gaarsiiyo dalka iyadoo sababta howlahaas loo qabanayo lagu dhex wado xifaaltan caadifadaysan ama guddi doorasho ayaa qabanaya howl ay dadka Soomaalidu aysan manta u diyaarsanayn oo xisaab & kharsh lagu shaqaynayo la ciyimayo iyadoo aan ognahay in dalku Federaal yahay goobaha doorashadu ka dhacayaana ay hoos tagaan maamulo ay qasab tahay in ay talada siyaasiyiinta matalaya ay iyagu leeyihiin.
Mar hadii aysan jirin awood xoogan oo madaxwayne Farmaajo wadanka dhan ku qabsan karo doorasho qof iyo cod ahna ku qaban karo, mar hadii uusan jirin waqti howlahaas lagu qaban karo waqti kasta oo lagu darana dadku u muuqan karin waxa la qabanayo xilligaa lagu kordhinayo xilka ee keliya ay xisaabinayaan waqtiga ka haray xilkaaga madaxwayne maxaa faa’iido ah oo ugu jiri karta madaxwayne waqti uusan ku helayn wax taageero ah mucaaradnimo ku sii kororta maahane oo aan ka ahayn inuu inta lagu heshiin karo u soo jeesto ummadana tusiyo inuu hogaamiye u yahay.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Luqun dheeraatay madax dhaafto” Madaxwayne waqtigiisii soo dhamaanayo muran uu ka taago bilo yar oo lagu darsado waxaa u dhaanta inuu xaqiiqda u soo dego islamarkaana hor fadhiisto qaybaha dalku ka kooban yahay waxna isla meel dhigaan wadankana ka badbaadiyo kii xoogga la isu adeegsaday oday Soomaaliyeed isagoo ahna xilka wareejiyo, laakiin gurbaan ay u tumaan afar qofood oo madaxtooyada joogta ama xisaab qaldan ay isugu dhuftaan iyagoo yiraahda hadii sidan la yeelo intaas ayaad ku darsan kartaa ama sidaan ayaa ka roon oo aad intaa ka badan ku darsan kartaa, kuwa kula talinayana ay yihiin dad aan iyaguba si xor ah magaalada Muqdisho ku dhexmari Karin nabadgelyo xumo aawgeed hoteellana ku xereeysan wax ay ku soo kordhin karaan ama jacayl iyo kalsooni uu ku abuuran karo dadka caqliga u saaxiibka ah uma muuqato nacayb ku sii bata mooyaane.
LIISKAN WAXAA KU SAWIRAN 8 MADAXWAYNE LAAKIIN 5 KELIYA AYAA TARTANTAY 50-KII SANNO EE LA SOO DHAAFAY, MIDKOODNA KUMA SOO NOQON XILKA 1967 – 2017 !
Falanqaynta Mustafa Salad Awale
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________