Mogadisho | QOL | June 27. 2020–Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.
Midka Koowaad
Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021.
“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yareey.
Midka labaad
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahan tahay nooca labaad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aadan in doorashadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto laga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________