1098 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kulan ugu yeeray Wasiiro iyo Xildhibaano

Madaxweyne Farmaajo oo kulan ugu yeeray Wasiiro iyo Xildhibaano
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 22, 2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Maanta kulan la qaato Wasiirada, Senatarada iyo Xildhibaanadda ka soo jeeda Somaliland, ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xalay ayaa Wasiirada iyo Xildhibaannada waxaa loo diray farriimo lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan casuumaadaas oo ah mid kala war-qaadasho ah, in kastoo aan weli sidhab ah loo ogeyn inay ogoladeen iyo in kale.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu warbixin ka siiyo shirkii Wada-hadalada Doladda Soomaaliya iyo Somaliland ee todobaadki hore uga qeyb galay Jabuuti iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka oo Kuraasta Gobolada Waqooyi lagu dooran doono Muqdisho iyo qodobo kale.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa inay saameyn ku yeelato Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland,kuwaas oo waqtiga doorashooyinka lagu tashado codadkooda.

Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabaan guddigii soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka,waxaana uu sheegay in Xubno kamid ah ay wadatashiyo la yeesheen Madax ka tirsan Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post