Mogadisho | QOL | June 17, 2020–Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada Al-Shabaab ku sugnaayeen balse la sheegay inay isaga baxeen.
Saraakiisha howlgalka hoggamineysa ayaa waxa ay sheegeen in Xubnihii Al-Shabaab ee isaga baxay degaanka Warxoolo ay gaareen Deegaanka Wabxo oo Dhowr iyo toban KM u jira Deegaankaas.
Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa u sheegay in ay kala Shaqeeyaan sugida Amniga si ay Al-Shabaab uga saaraan degaannada kale.
Howlhalkan ayay sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________