978 Views

Dowladda oo ka shirtay saameynta dalka ee COVID-19

Dowladda oo ka shirtay saameynta dalka ee COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 22 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah.

Kulanka oo u qabsoomay qaab muuqaal Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn guud oo lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Cudurka COVID-19 ayaa waxaa laga helay Magaalada Muqdisho iyo Dowlad goboleedyada kajira dalka,waxaana dowladda iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan sidii looga hortegi lahaa faafitaanka Cudurka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment