Mogadisho | QOL | April 7, 2020 –Ra’iisul wasaaraha UK,Boris Johnson ayaa haatan ku sugan qaybta daryeelka xaaladda deg deg ah ee cisbitaal ku yaalla bartamaha magaalada London ka dib markii astaamahii xanuunka ‘coronavirus’ ee lagu arkay ay ka sii dareen.
Inkasta aan warar dheeri ah laga bixin xaaladda uu haatan ku sugan yahay Ra’iisul wasaaraha.
Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad .
Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibadda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah .
Ra’iisul wasaraha oo da’diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________