1086 Views

Maamulka Soomaaliland oo go’aan ka gaaray duulimadyada shirkada Ethiopian Airlines

Maamulka Soomaaliland oo go’aan ka gaaray duulimadyada shirkada Ethiopian Airlines
____________________________________________________________________________

Hargeysa | QOL | April 2, 2020 – Xukuumada Somaliland ayaa maanta sheegtay inaysan joojineyn duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa, xili ay wajaheyso labo Kiis oo la xiriira Coronavirus.

Somailand ayaa weli ku adkeysaneysa inaysan joojin duulimaadyada diyaaradaasi oo tagta waddamo uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo, iyadoona la aaminsan-yahay in gudaha Somaliland ay iyadu horseeday in laga helo Kiisas la xiriira fayruska Corona.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay inaysan waqti xaadirka Xukuumadoodu joojineyn diyaarada Ethiopian Airlines, isagoona xusay inay soo saareen go’aamo ay dhawaan ku mamnuuceen dadka ka imanaya Yurub iyo Mareykanka.

Wasiir Koore ayaa diyaarada Ethiopian Airlines ku sheegay mid ka qeyb qaadaneysa soo daabulida dadka ku xayiran garoomada, isla markaana ay qasab tahay in dadkii hore u goostay Ticket-yadooda safarku ay ka soo dagaan madaarka Hargeysa.

Somaliland ayaa wajaheysa halis caafimaad oo baahsan, maadama aysan ilaa hadda si dhab ah u qaadin talaabooyin ay ku xakameyneyso in cudurka Corona uu ku faafo deegaanadeeda, iyada oo Kiisas la xiriira cudurkaasi laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Mana cada ilaa hadda sababta ay dowladda federaalku ay talaabo uga qaadi laadahay diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeedii caadiga ahaa ku tagta Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, balse aan weli aqoonsi buuxa ka helin beesha caalamka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargeysa

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment