873 Views

In ka badan 1 bilyan oo qof oo bandow loo geliyay COVID 19 dartiis

In ka badan 1 bilyan oo qof oo bandow loo geliyay COVID 19 dartiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Arbaco    , March 25, 2020 —Dowlada India ayaa Talaadadi shalay qaadatay tallaabadi ugu adkeyd ee uu dal kula tacaalo cudur-sidaha Corono, kaddib marki ay bandoow gelisay dhamaan waddanka, kaasoo ku qasbaya in ka badan 1 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo qof in ay guryahooda joogaan muddo 21 maalin ah.

 

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa dhaqan galay xalay saqdii dhexe xilliga India,uxuuna ugu baaqay shacabka in aysan argagixin.

 

 

 

Dukaamada lagu iibiyo cuntada ayaa safaf dhaadheer loogu jiray guud ahaan wadanka, ka hor inta uusan bandowga dhaqangalin. In ka badan 500 oo kiis oo coronovirus ah ayaa laga diiwaangeliyay İndia.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment