Muqdisho | QOL | Axad , March 15, 2020 —Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shirweynaha wadatashiga Puntland,kaas oo 8-dii Bishii la so dhaafay Febaraayo uu iclaamiyey Madaxweynaha Puntland.
Shirka waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada & Xildhibaannada labada Gole ee ku matalaya Dowladda Federaalka,inta badan mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.Odayaal & Waxgarad iyo dad kale oo lagu Casuumey,walow ay jiraan Wasiiro iyo Xubno kale oo ka tirsan dowladda oo Shirkaasi ka qeyb-galeyn.
Hadaba maxay tahay u jeedka shirkaas ay xilligaan Puntland u qabatay iyo waxyaabah ugu muhiimsan ee looga hadli doono,waxaana sharaxaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________