981 Views

Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Itoobiya

Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday isu bax siyaasadeed oo lagu taageerayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaas oo ka dhacay bartamaha Itoobiya, sida laga soo xigtay taliyaha booliska dalkaas.

 

Isu baxaas ma uusan joogin ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

 

 

 

Booliska waxay sheegeen inay qabteen 6 qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay magaalada Ambo.

 

Taliyaha booliska gobolka Oromada, Ararsa Merdesa ayaa sheegay in bambo gacmeed lagu weeraray isu soo baxa, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

 

Itoobiya waxaa sare u kacay qalalaasaha siyaasadeed xilli la filayo dalkaas inay ka dhacdo doorasho bisha Agoosto ee sannadkan.

 

Bishii Juun ee sannadkii 2018-kii ayay aheyd markii bambo gacmeed lagu weeraray isu soo bax siyaasadeed oo lagu taageerayay Abiy Axmed kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana dhacdadaas ku dhintay 2 qof.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment