1074 Views

Puntland oo hakisey Shaqada Shirkadaha Xajka & Cumrada

Puntland oo hakisey Shaqada Shirkadaha Xajka & Cumrada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah loo hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Maamulkaas.

 

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa lagu hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ilaa iyo inta laga hubinaayo habsami u socodka howsha ay hayaan Shirkadahaas.

 

 

 

Sidoo kale Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu amrayo Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada in muddo Todobaad gudihiis ah ay isku soo diiwaan geliyaan si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda,isla markaana cidii fulin weysa amarkaas tallaabo laga qaadi doono.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka asiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment