Mogadisho –February 16, -2020—Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socdo la filayo in degmooyin ka tirsan Gobolkaas ay tagaan Xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay imaan doonaan Madaxda Ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha ama Ras’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ilgaar ah ku heyso Gobolka Gedo,kadib cabasho kasoo gaartey Shacabka,isla markaana Ciidamada ay Dowladda Keentay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo ilaalinaya Amniga Xaduudaha.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________