1020 Views

Wasiir Xuseen oo Mas’uuliyiin kala duwan kula kulmay Berlin

Wasiir Xuseen oo Mas’uuliyiin kala duwan kula kulmay Berlin
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wafdi uu hogaaminayo Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka qeybgalay Shir weynaha Caalamiga ah ee 12-aad ee Wasiirada Cuntada iyo Beeraha ee Golaha Cuntada iyo Beeraha Aduunka oo ka dhacay magaala ee Dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeyn Wasiirka Cuntada iyo Beeraha ee Dalka Jarmalka Julia Klöckner iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka ee (FAO) Qu Dongyu Iyo Wasiiiro Kale

 

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo inay gacan ka geystaan dhiirigelinta iyo garab istaagaan wax-soo saarka iyo dhoofinta Cuntada Soomaaliyeed, sida Xoolaha, Dalagga Beeraha iyo Kalluumeysiga, loona baahanyahay in laga taakuleeyo dhinacyada qalabka iyo tababrsiinta si sare loogu qado aqoontooda, ayna ula jaanqaadaan isticmaalka tiknolojiyadda casriga ah ee Horumarinta Wax soosaarka loogu talogalay si uu dalkeeno u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

 

 

 

Dhinaca kale kulanka Wasiirka iyo Madaxa Hay’adda Cuntada Aduunka (FOA) ayaa waxay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa wax soorka Cuntada, lana horumariyo Caafimaadka Xoolaha, Daaqa, Dib u dhiraynta Dhulka laga xaalufiyay Dhirta iyo in si gaar ah loogu kaalmeeyo Dowladda Soomaaliya ka hortagga Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haya Deegaanno farabadan oo dalka ka mid ah, kaa soo inta badan aafeeyay dalagyadii ka soo go’ayay beeraha iyo dhulka Daaqsinka ah ee Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ku nool yihiin.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Xoolaha Dowladda Sacuudiga Dr. Hamad Al -Batshaan ayaa waxay isla garteen in la xoojiyo kor uqaadista Dhoofka Xoolaha Soomaliyeed, isla markaana ay sidhow uga wada shaqeeyaan sidii xanibaadda looga qaadi lahaa dhoofka Xoolaha nool ee Soomaaliya waqtiga Xajka ah ee sanadkan 2020.

 

Ugu dambeyn Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa dhamaan madaxdii uu la kulmay u bidhaamiyay in Soomaaliya oo hodan ku ah Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga ay diyaar u tahay inay dunida la jaan qaado, isla markaana wax soo saarkeeda tayada badqabka leh ay u iibgeyso dalal badan oo xiriir ganacsi la leh, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment