Mogadisho –January 29-2020—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Janaraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul-Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Alle ha u naxariistee, Janaraal Cabdirisaaq waxa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka qaatay dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka ka dhanka ahaa Ururka Al-Shabaab ee laga sameeyey Gobolada dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________