Mogadisho –January 28-2020—Munaasabada lagu dhagax dhigayey Wadooyinka laamiga ah dhaxmarto Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan labada gole ee , maamulka Gobolka iyo kan degmada, iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Wadooyinkani la dhisayo ayaa waxay muhiim u yihiin bilicda Magaalada iyadoo dhaqaalaha ku baxayo ay gacan ka geysaneyso hey’adda Horumarinta Ee SSF Sida uu sheegay Wasiirka Howlaha Guud Iyo dib u dhiska Hirshabeelle mudane Jaamac.
Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Mashaariic Horumarineeyd ee laga Fulinayo magaalada Beladweyne sida dhismaha Garoonka Diyaaradaha iyo midka biyaha Fatahaada looga wareejinayo Magaalada Baladweyne.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________