1434 Views

Golaha Wasiirada Soomaaliland oo ansixiyey Xeer muhiim ah

Golaha Wasiirada Soomaaliland oo ansixiyey Xeer muhiim ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 223-2020—Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

 

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

 

 

 

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.

 

Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment