2226 Views

Puntland oo soo bandhigtay Denbiyada ka dhacay degaanadeeda 2019-ka

Puntland oo soo bandhigtay Denbiyada ka dhacay degaanadeeda 2019-ka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 11, 2020—Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee maamulka Puntland, ayaa shaaciyay warbixinta Denbiyadii ka dhacay Puntland sannadkii tegay ee 2019 oo gaaraya 4379 kiis.

 

Warbixin kasoo baxday Xeer Ilaalinta, sannadkii tegay ee 2019, waxaa Puntland ka dhacay 162 dil, kuwaasi oo uu kaalinta kowaad kaga jiro gobolka Mudug, oo ay ka dhaceen 59 dil, halka gobolka Bari oo ku soo xiga ay ka dhaceen 55 dil, Gobolka Cayn ayaa isna wax aka dhacay 19 dil.

 

 

 

Gobollada Nugaal iyo Sool, ayaa waxa sannadkaasi mid walba ka dhacay 9 dil, halka gobolka Karkaar ay ka dhaceen 6 dil, sidoo kale gobolka Haylaan waxa ka dhacay 4 dil, balse gobolka Sanaag ayaa sannadka oo dhan lagu dilay hal qof oo keliya, sida ku xusan Shaxanka Xeer Ilaalinta Puntland.

 

Denbiyada Kufsiga ee Puntland ka dhacay sannadkii tegay, ayaa lagu sheegay 90-kufsi, waxaana hoggaaminaya gobolka Nugaal oo ay ka dhaceen 30 kufsi. Gobolka Bari oo ku soo xiga ayaa laga diiwaan-geliyay 18 kufsi, iyadoo gobolka Mudugna ay ka dhaceen 13 kufsi.

 

Dagaalladii Puntland ka dhacay 2019, ayaa sida Xeer Ilaalintu sheegtay, waxaa ku dhintay 212 qof, kuwaasi oo 63 kamid ah ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay gobolka Cayn, gobolka Karkaar oo ku soo xigana, ay ku dhinteen 55, halka gobolka Bari oo kaalinta saddexaad ku jita ay ku dhinteen 46 qof.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment