Mogadisho –January 02, 2020—-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyeymkaas oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay Shacabka beegsanayaan.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________