903 Views

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in kulankii Aqalka Sare loo baajiyay Qaraxii maanta

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in kulankii Aqalka Sare loo baajiyay Qaraxii maanta
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 28–2019 | —Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qarax saaka ka dhacay isgooyska EX Contoral Afgooye halkaas oo ay ku naf waayeen Dad shacab ah oo u badnaa arday u socotay goob waxbarasho.

 

Waxaa uu Gudoomiyuhu xusay in uu xanuunka la qaybsanayo ehelada dadkooda ku waayay masiibadan.

 

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay kulankii Golahana loo baajiyay masiibadaas dhacday awgeed.

 

Gudoomiyaha wuxuu dadka halkaas ku geeriyooday Allah uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana kuwa dhaawaca ah ayuu u rajeeyay Caafimaad deg deg ah.

 

Agaasimaha Cisbitaal Madino Dr Maxamed Yuusuf, wuxuu hada xaqiijiyay in Dhimashada ay tahay 73 maydad ah halka dhaawacana uu yahay 52 ruux.

 

Dr Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ay tahay tirada Isbitaalka Madiina soo gaartay

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment