Mogadisho –December 21, 2019 | QOL | –Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland ee dhawaan ay xilka Gudoomiyaha baarlamaanka iyo xubnimada Xildhibaano ay ka qaadeen baarlamaanka maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallo uu ku doonaayo in uu maamul cusub ku dhiso.
Waxaa uu sheegay in ay go’an tahay in maamul loo dhiso gobolada Sool iyo Sanaag hadii aan la sixin qalaad uu sheegay in uu ka jiro maamulka Puntland.
Gudoomiyaha ayaa xusay in xilka qaadistiisa aysan aheyn Sharci, islamarkaana dadka degaanka uu matalo ay usoo jeediyeen in uu ka shaqeeyo dhismaha maamul la wada leeyahay.
Gudoomiyaha ayaa beeniyey warar sheegayey in loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya ee Ereteriya.
Wuxuu sheegey in aanu qabanayn shaqo ahayn sixitaanka Puntland ama ka tashigeeda haddii la waayo-sida uu hadalka u dhigey.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________