Mogadisho –December 15 , 2019 | QOL | –Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu gorfeynayo isu soo dhoweynta Maamulada uu ka dhaxeeyo Soohdimaha dhuleed.
Shirkan oo loo qabtay Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday labadaas maamul Dowlad goboleed oo dhammaantood ku qancay shaqada ay guddiga u hayaan Qaranka si weynna ugu bogaadiyay.
Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo goobjoog ah kulanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay kulanka oo ay soo agaasimeen guddiga madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya,waxayna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan guddiga guddiga iyo maamul goboleedyada dalka.
Gudoomiyaha gudiga Madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa mid mid u soo hadal qaaday soohdinaha maamul goboleedyada dalka,isagoo soo kalena carabka ku dhuftay waxqabadka guddiga mudadii ay jireen iyo halka ay wax marayaan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________