Mogadisho –December 14 , 2019 | QOL | –Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe oo maalmiii lasoo dhaafay ku sugnaa Nairobi.
Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale kulanka waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah dalalka Afrika, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanaayay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________