Mogadisho –December 10 , 2019 | QOL | –War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlay Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay qaab lug ah ku galeen Hotelka, waxaana ay dagaal la galeen Ilaalada Hotelka.
Dad ka soo badbaaday Hotelka ayaa sheegaya in mar kaliya ay rasaas maqleen, iyo gam gacmeed, kadibna gudaha u soo galeen rag hubeysan oo aan la ogeyn tiradooda.
Ragga hubeysan ee weeraray Hotelka SYL ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo isticmaalay xeelad ka duwan sidii looga bartay marka ay hotelada weerari jireen oo ahaa qarax inay ku furtaan albaabka.
Ciidamada ammaanka ayaa dhaq dhaqaaq aan caadi aheyn ka wada agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka rasaasta ka socota.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________