Mogadisho –December 9, 2019 | QOL | –Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye ayaa sheegay in musuq maasuqa uu dhibaatooyin badan ku yahay dowladnimada Soomaaliya,sida Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo howlaha bulshada loo haayo.
Isaga oo hadal ka jeedinayey Munaasadda Maalinta la dagaalanka Musuq-Maasuqa ayuu sheegay in la-dagaalanta musuq maasuqa uu yahay calaamada ugu dambeysa ee wadaninimo,isla markaana dadka ku dhiirigelisa dhaqanka dowlad wanaaga.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ay dowladda gelisay sidii ay u bedeli laheyd dib u abuurida xeydaabka shuruucda si loola jaanqaado horumarka saameeyey Qaaradda Afrika.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________