1278 Views

Sharci lagu baabi’inayo nidaamkii Cumar al-Bashiir oo la ansixisay

Sharci lagu baabi’inayo  nidaamkii Cumar al-Bashiir oo la ansixisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 29- 2019 Mas’uuliyiinta ku meelgaarka ah ee Suudaan ayaa meel mariyay sharci la xiriiray la wareegidda hantida madaxweynihii hore  Cumar Xasan Al-bashiir iyo kala dirista xisbigii golaha Qaranka( National Congres) ee uu hoggaamainaayey intii u dhexeysay 1992-2019-kii. .

 

Meel marinta sharcigaan ayaa yimid ka dib kulan ay si wada jir ah u qabteen golaha guud ee Suudaan iyo golaha wasiirada ,kas oo oo socday saacado bada,waxaana sidoo kale la laalay sharcigii ku saabsanaa xakameynta dharka iyo dhaqanka dumarka.,

 

 

Go’aanka meel marinta sharcigaasi ayaa daba socda jawaab dowladda cusub ay ka  bixisay codsi ka yimid dadkii ka qeybgalay ama gacanta ka geystay mudaharaadyadii lagu afgambiyay dowladdii hore ee Suudaan.

 

Raiisel wasaaraha dalka Suudaan  Abdalla Hamdok,ayaa soo hadal qwaaday in sharcigasia cusub uusan aheyn aargudasho ,balse loogu talagalay in lagu ilaaliyo sharafta dadka.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment