Muqdisho | QOL | November 15, 2019–Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah Golaha Wasiiradda maamulkaas, iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.
Garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey maamulka degmadda iyo taliska ciidanka Jubbaland ee ka howlgalla aagga Ceelwaaq.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland uu halkaas kulamo kula qaato maamulka iyo bulshada degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________