Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa si toos ah waxaa uu uga furmay Magaaladda Lucknow ee Dalka Hindiya, iyad aoo sanadkaan ay ka qeyb-galayaan Xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waaa Shirkaasi uga qyeb-galaya oo goobjoog ka ah Garsoore Maxkamadda Sare Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe iyo Garsoore Suleymaan Maxamed Maxamuud & safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Ambassador Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.
Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii ay u wada Shaqyen lahaayeen Maxkamadaha Aduunka, sidii si cadaalad ah dadka loogu garsoori lahaa iyo sidii khibrado la isku dhaafsan lahaa.
Xubnaha ka socda Garsoorka Soomaaliya ee shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Garsoorayaasha Maxkamadaha adduunka ee shirkasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doona sidii Soomaaliya dhinaca Garsoorka looga taageeri lahaa.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________