Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran,kuwaas oo Maanta safar ku tegay Baladweyne ayaa waxaa ay booqdeen halka ay u barakaceen dadkii ka barakacay fatahaadaha.
Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Aqal kana mid ah madasha Xisbiyada ayaa waxaa ay booqasho ugu tageen halka ay ku sugan yihiin dadkii ugu badnaa ee ka barakacay fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabelele.
Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay dadka barakacay gaarsiinayaan gurmad kala duwan oo ay iska soo aruuriyaan,si ay Bulshada barakacday uga qeyb sadaan dhibaatadii kasoo gaartay fatahaada Wabiga.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________