990 Views

Puntland oo amartay in la xiro Xaafiisyo ay Wasiiro katirsan DFS ka furteen Puntland

Puntland oo amartay in la xiro Xaafiisyo ay Wasiiro katirsan DFS ka furteen Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Maamulka  Puntland ayaa amray in albaabada loo xiro labo xaafiis oo ay labo wasiir oo katirsan Xukuumadda Soomaaliya ka furteen degaanada ay kasoo jeedaan, kuwaas oo ay sheegeen in ay xooga ku saarayaan ogaanshaha baahiyaha ay qabaan deegaanada laga soo doortay.

 

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka ee Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan sharciyad ku fadhiyin xaafiisyada laga furay Dhahar iyo Goldogob, oo ay leeyihiin Xildhibaano.

 

Xaafiisyadda ay amartay in la xiro Puntland ayaa waxaa furay Wasiiradda Qorsheynta iyo Shaqadda Shaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Sadiiq Warfaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment