Muqdisho | QOL | October-17–2019 —Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay xal ka gaareen xiisad dagaal oo ka taagneyd deegaanka lafoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Xiisada ayaa u dhaxeysa Ciidamo katirsan kuwa Booliska Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka deegaanka,kuwaas oo maalin ka hor uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo Xubno la socda ayaa gaaray deegaanka lafoole, iyaga oo kulamo lagu xaliyey xiisada taagneyd la qaatay Maamulka deegaanka iyo saraakiisha Ciidamada
“Waxaan xalinay khilaaf soo kala dhexgalay maamulka deegaanka lafoole iyo ciidamada Amniga.Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka bada ee KGS, odayaasha dhaqanka,maamulka iyo ciidamada Amniga kaalintii ay ka qaateen xalinta khilaafkaas ayuu yiri” Guddoomiye Najax.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Maamulka deegaanka lafoole iyo Shacabka ku nool deegaankaas iyo Ciidamada Amniga inay ka wada qeyb qaataan nabada iyo sugida Amniga si deegaanka uu u noqdo mid hormara.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal hayey dagaalka ka dhacay deegaanka lafoole iyo xiisada ka taagnedy taas oo keentay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose uu kusoo baxo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________