Muqdisho | QOL | October15–2019 —Danjire Maxamed Isxaaq ibraahim ayaa maanta si ramsi ah Warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ku wareejiyay Goddoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al- Burhaan, laga bilaabo maanta wixii ka danbeeyana noqonaya Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan
Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim markii laga gudoomay warqadihiisa Aqoonsiga u mahadceliyay Guudoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu noqda Safiir buuxa maanta, kana shaqeyn doono Xiirka labada Dal ee soo jireenka ah Shacabka Soomaaliyeedna Abaal badan uhayaan Dowladda Suudaan oo dhan walbo ka taageertay.
Dhanka kale Danjiraha ayaa ka codsaday in si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ku dhaqan sidii ay isaga kaashan lahaayeen kor ugu qaadi Sharafta qeybaha kala duwan Soomaalida ku dhaqacan Dalka Suudaan mar uu la hadlayay Warbaahinta Qaranka
Aqoonsiga maanta loo Aqoonsaday Safiir Maxamed Isxaaq ayaa waxaa ku wehlinayay Tiro Safiira ah kuwaa oo ka kala socday Wadamada Caalamka Qeybahooda kala Duwan.
afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________