1344 Views

Midowga Yurub oo xoojinaya taageerada Hay’addaha Garsoorka Somaliland

Midowga Yurub oo xoojinaya taageerada Hay’addaha Garsoorka Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October12 -2019 —Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez oo booqasho shaqo ku jooga Somaliland.

 

Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan maxkamada sare ee Somaliland ayaa kulanka ay la qaateen safiirka Midawga yurub Nicolás Berlanga Martinez waxay kaga wada hadleen sidii loo soo xoojin lahaa wada shaqaynta u dhaxaysa hay’addaha garsoorka iyo cadaalada somaliland iyo midawga yurub.

 

Waxaa uu uga mahad celiyey taageerada dhaqaale ee ay la garab joogaan hay’addaha garsoorka Somaliland Midowga Yurub.

 

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorashooyinka baarlamaanka ee somaliland ku soo socda iyo doorka ay ku leedahay maxkamada sare ee somaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment