Muqdisho | QOL | October12 -2019 —Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo khudbad ka jeedinaayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay horumarinta dalka.
Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.
Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.
“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole.
Dhammaan Xaaladdaha Jahwareerka ah ee dalka ka jira ayuu sheegay in uu sabab u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo aan diyaar u aheyn.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________