1176 Views

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday Akari dil geystay

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday Akari dil geystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo Askari kale ku dilay Magalada Muqdisho.

 

Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

 

Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha  20-kii July Sanadkan.

 

Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

 

Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa  ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September.

 

24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba  loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya   soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac.

 

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka  Sida kaas oo  uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu  dhac ka geystay degmada  Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda  xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.

 

Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow.

 

Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku  geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.

 

Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka.

 

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in  Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu  iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo.

 

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur  Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis  Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment