1314 Views

Al-Shabaab oo soo bandhigay Ergo ay sheegeen inay doorteen Xildhibaan Jawaari

Al-Shabaab oo soo bandhigay Ergo ay sheegeen inay doorteen Xildhibaan Jawaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 30-2019 —Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay soo bandhigeen qaar ka mid ah ergadii dooratayxildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo tegay deegaannada Shabaab, kadib markii Amar u yeeritaan ah uu uga yimid dhinaca Al-Shabaab.

 

Qeybtii Saddexaad ee Ergada soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Al-Shabaab waxaa ay kusoo bandhigeen deegaanka Buullo fulaay ee gobolka Baay,kuwaas oo gaaraya ilaa 76 Ergo.

 

 

 

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegen in ergooyinkan ay kamid yihiin kuwii doortay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari oo mar soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Xukuumadda Soomaaliya uu isku casilay.

 

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay deegaanno kala duwan kusoo bandhigeen ergooyin ay sheegeen inay ahaayeen kuwii doortay Baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale waqti dheeri ah ugu daray kuwa aan weli ku tegin waqtigii hore ee loo qabtay oo ahaa 45 cisho, hayeeshee uu ka dhamaaday, iyaga oo aan tegin .

 

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in deegaannadeeda aysan kusoo laaban Karin ergooyinkii qaatay amarka Al-Shabaab ee tegay deegaannadooda,iyada oo qaar kamid ah ee soo laabtay Xabsiga la dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment