1395 Views

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano hoostaga Magalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah ufa fuliyeen deegaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsanaa Al-Shabab sidoo kalena ay hub kusoo furteen.

 

Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare ; Xasan Aadan Xaashi ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in howlgalkaasi khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab,isla markaana ay ku dileen 7 Xubnood hubna ku qabsadeen sida uu hadalka u dhigay.

 

“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan Shabaab,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen”. Ayuu yiri taliye Xasan Aadan Xaashi.

 

Si kastaba howlgalkan ay Ciidamada Dowladda ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose,weerarkaas oo la sheegay in askar badan lagu dilay Al-Shabaabna hub farabadan ku qabsadeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment