Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Maamulka Jubbaland ayaa cambaareeyay dhacdadii shalay loogu geystay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka kaasoo lagu xanibay Garoonka xilli uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo.
Dowlad goboleedka Jubbaland waxa ay sheegeen in xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Sheekh Shariif ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah.
Dhanka kale Jubbaland ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeysan in maalmihii ugu dambeeyay lagula ka kacay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaallaha maamulka Jubbaland falal ka baxsan Sharciga sidda Hanjabaad, Cunsuriyad iyo Xayiraado.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________