Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.
Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay Munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka Musuqmaasuqa.
Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro Musuq maasuqa.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________