1044 Views

Soomaaliya oo wareejisay Shir guddoonka Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo wareejisay Shir guddoonka Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.

Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo falastiin leedahay Caasimadeeduna tahay Magalada Qudus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada Carbeed qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya

Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Wasiir Cawad Arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay weli jirto qatarta waxa loogu yeero Argagaxisada deegaannada qaar,waxaana uu ugu baaqay dowladaha Carabta ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taagero dib u dhiska lana fuliyo balan qaadyadii ay horay ugu sameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha  Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay Shirar dhowr ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment