1395 Views

Sawirro:-R/Wasaare Kheyre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Laga Fulinayo Xudur

Sawirro:-R/Wasaare Kheyre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Laga Fulinayo Xudur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Mashaariic kala gedisan oo laga fulinayo Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ispitaalkii Hore Degmada Xudur oo ka muuqday Burbur bahsan ayaa Madaxda ay Dhagax dhigeen waxaana la doonaya in aida ugu dhow loo dhiso si Bulshada Reer Xudur ay u heelaan Adeeg dhamaystiran oo dhanka Cafimaadka ah.

Sido kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Dhagax dhigay dhismo Cusub oo loo dhisayo Gobolka Bakool Kaasi oona Iska kaashanaya Dhismihiisa DFS iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxda oo ku guda Jira fulinta Mashaariicda ayaa Xariga ka jaray wado lagu Taagay Nalalka Cadceeda ku shaqeeya ee loo yaqaana Solarka Kaasi oo Fulintiisa iska Kaashaday JPLG iyo Wasaarada Maaliyada KGS.

Sido kale Madaxda oo ku guda jira Shaqo maalmeedka ay ujoogan Degmada Xudur ayaa Kormeeray Ceelalka Biyaha ku yaala Duleedka Degmada Xudur Halkaasi oo ay ugu kuura galayeen Sidii ay usoo indho indheyn lahayeen Xoolaha halkaasi loo keena waraabka.

 

Mashaariic fulin iyo kormeer ka Dib Madaxda ayaa Si wadajir ah Garoonka Kubada Cagta Dr Waaberi ugula kulmay ku Dhowaad 800 boqol oo Askari kuwaasi oo lagala hadlayey Sidii ay ugu Diyaar garoowi lahayeen Xureynta Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidanka ubalan Qaaday inay Heli Doonan Mushaaraadkooda iyo Aqabkooda Dhamaystiran Waxaana uu kula Dardarmay inay ku Dadaalan sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen Guud ahaan Gobolka ee Go’doonsan ee Bakool.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment