1380 Views

Sawiro:-Kumanaan Shacab ah Oo RW Khayre Ku Soodhaweeyey Xarunta Gobalka Bokool Ee Xudur

Sawiro:-Kumanaan Shacab ah Oo RW Khayre Ku Soodhaweeyey Xarunta Gobalka Bokool Ee Xudur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Waasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobalka Bakool iyo degmada Xudur, iyo dadweyne kale ayaa garoonka uga hor tegay wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u jeedada socdaalkiisu yahay in wax badan uu ka ogaado baahiyaha ay qabaan bulshada Koonfur Galbeed, si loo fuliyo mashaariic horumarinteed oo waxtar u leh horumarka bulshada iyo deegaanka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uu kula hadlay garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi, waxa uuna maamulka iyo shacabka degmada Xudur iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ee wafdiga uu hoggaaminayo u sameeyeen.

 

Mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur ku ammaanay sida geesinimada iyo midnimada leh ay magaalada amni uga dhigeen, iyaga oo aan helin teegeero meel kale uga timid, ayaa ballan qaaday in dowladdu ay u sameyneyso mashaariic horumarineed oo ay qayb ka tahay casriyeynta Garoonka kubbadda Cagta Dr. Waaberi.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu la kulmayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka gobalka Bakool, si uu uga dhageysto xaaladda gobalka iyo talooyinkooda ku aaddan dib-u-kabashada deegaanka iyo guud ahaan dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment