Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca gawaarida lagu dhejiyo ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan meel u dhow kaalin shidaal oo ku taalla inta u dhaxeysa dekadda Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Gaariga Nooca loo yaqaano sarufta ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa,kadib markii loogu dhejiyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Janeraal Maxamed Cabdulle Dhoore,kaas oo Booliska u qabilsan Arrimaha dibadda,waxaana la sheegay in qaraxa uu kasoo gaaray dhaawac.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaalka gaariga watay oo la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid culus.
Saraakiisha Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli dhankooda wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho,waxana Bilihii la soo dhaafay soo badanayay qaraxada lagu dhejiyo Gawaarida,iyada oo 25-kii bishii Agoosto ee sanadkaan qarax loogu dhejiyay gaarigiisa uu ku geeriyooday Maxamed Amiin Sheekh Cilmi oo mar soo noqday xoghayaha guud ee Maamulka gobolkan Banaadir.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________