Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur Galbeed.
Mudane; Khayre, ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn ee Qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka Bulshadu ay leeyihiin.
Ra’iisul Wasaaraha oo golaha Wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhageysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________