Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen manhajka Waxbarashada fasalka 1aad ilaa fasalka 8aad ee dugsiga hoose iyo dhexe ee dalka.
Waxa uu sheegay Wasiirka in ay tahay in ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe loo dhigo sanadkaan bugaagta manhajka dowladda,isla markaana iskuulkii kasoo horjeesta ay albaabada laabayaan
Waxa uu intaa kudaray in sanadkaan intaa uusan dhamaan ay soo dhameystirayaan buugaagta ka harsan manhajka ee lagu dhigo fasalada 9aad ilaa 12aad.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________