1311 Views

SAWIRO:-Jubbaland oo ku dhawaaqday inay xayiraadii ka qaadeen Golaha Wasiirada Somalia

SAWIRO:-Jubbaland oo ku dhawaaqday inay xayiraadii ka qaadeen Golaha Wasiirada Somalia
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | Ogoosto 28, 2019 –Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada Jubbaland, Lix Maalin kadib dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

 

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Soomaaliya taas oo la saaray xilligii ay socdeen doorashooyinka Jubbaland.

 

Marka laga soo tago tallaabada ay Maanta qaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa hadana dowladda Soomaaliya waxa ay horay u sheegtay inaysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay Magalada Kismaayo sida xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

 

Maamulka Puntland ayaa xilligii lagu jiray doorashooyinka waxaa uu xayiraad dhinaca socdaalka ah saaray Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha taas oo dhaqan-gashay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment