1650 Views

DEG DEG:-Axmed Madoobe oo markale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland

DEG DEG:-Axmed Madoobe oo markale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 22, 2019 —Waxaa goordhow Magalada Kismaayo ka dhacday doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ku tartamayeen Afarax Musharax oo uu ku jiray Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Maxamed Islaam.

 

Musharixinta ayaa waxaa u codeynayay 74 Mudane oo ah Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland,waxaana wareega koowaad ee Codadkii la dhiibtay Saddex meelood laba meel kusoo baxay in uu markale Madaxweynaha Jubbaland noqdo Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

 

 

 

Inta aan lagu dhawaaqin natiijada codadkii la dhiibtay iyo sida ay musharixiinta u kala heleen ayaa waxaa hoolka doorashada ay ka socotay qabsaday sawaxan iyo sacab farabadan.

 

Hoos Ka Akhriso Codadka ay kala heleen Musharixiintii ku tartantay doorashada Jubbaland.

 

1:  Axmed Maxamed Islaam   56 Cod

 

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 1

 

3: Maxamed Cumar Geedi 0

 

4:  Canab Maxamed Daahir 17 mana jirin cod halaabay

 

Horay ayaa loo saadaalinayay in Axmed Maxamed Islaam markale loo dooranayo Madaxweynaha Jubbaland, iyada oo ay noqoneyso markii Saddexaad ee uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

 

Goordhow la socda tirada codadka ay kala heleen musharixiinta iyo Sawirada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment