Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Maanta ayaa Maxkamadda sare ee Puntland waxaa ay markale u fariisatay wajiga labaad ee dacwada la xiriirta falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan.
Maxkamada ayaa markale dhageysatay dacwadaha ay kala qabaan labada dhinac gaar ahaan Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay,waxaana Maxkamada ay ku dhawaaqday in 22-ka bishan la dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto.
Saddexda Nin ee loo feystay falkaas oo lagu kala Magacaabo Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal,hayeeshee ay racfaan ka qaateen.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________