Muqdisho | QOL August 18, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti
Madaxweynaha ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, iyada oo Xubnaha la socda Madaxweyne farmaajo ay dhankooda la kulmi doonaan madax ka tirsan dowladda
Jabuuti.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________