Muqdisho | QOL August 17, 2019 —Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ka dhacay Agagaarka Haanta dheer ee Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Dayniile.
Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu aasay wadada dhinaceeda gaar ahaan wadada u baxda xarunta Maamulka degmada Dayniile meel ku dhow isbitaalka Guutaale.
Xoghayaha degmada Dayniile Mahad Shilaawe ayaa xaqiijiyay in Saddex ruux oo Shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa,islamarkaana lala damacsanaa mas’uuliyiinta degmada Dayniile.
Ciidanka Booliska degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinaayay.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________