1677 Views

Guddiga Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo kulamo ka bilaabay deegaanada Maamulkaasi.

Guddiga Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo kulamo ka bilaabay deegaanada Maamulkaasi.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Gudigga qaban qaabada dib u heshiisiinta beellaha Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka arimaha Gudaha Faderaalka iyo dib u heshiisiinta  Xukumadda Soomaaliya ayaa deegaanadda maamulkaasi ka bilaabay kulamo ay la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshadda Galmudug.

Gudigaan ayaa beelaha iyo waxgaradka ay kulmeen waxa ay ka codsadeen in ka soo qayb galaan Shirka Dibuheshiisiinta Galmudug oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug 5ta bisha Agoosto 2019 sida qorshuhu yahey.

Guddiga Qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo shalay Guriceel ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, ayaa ka codsaday Ugaaska In uu isugu yeero Beelaha Galmudug.

Xubnaha Gudiga oo uu hogaamiyaano Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyoow oo ah Gudomiyaha gudiga dib u heshiisiinta beellaha Galmudug ayaa gaaray degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabay.

“Waxaa Maanta Degmada Balanballe nagu soo Booqday Gudiga Dib u heshiisiinta Galmudug kuwaa oo si fiican loo soo dhaweeyay lagana aqbalay codsigay wadeen ayagoo odayaasha iyo shacabka Balanbale Aqbaleen inay ka qayb galaan Shirka Dibuheshiisiinta Galmudug oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug 5ta bisha Agoosto 2019” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabay.

 

Gudigaan ay wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya u xilsaartay dib u heshiisiinta Galmudug oo dhankooda hadlay ayaa sheegay in ay tagayaan deegaanadda Maamulka Galmudug si ay beellaha dega ugu qanciyaan in ay ka soo qayb galaan shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment